GALGADUUD : Al-Shabaab Oo War aysan Filaynin Laga Sheegay

0

shabaabSarkaal ka tirsan ururka Alshabaab oo laba maalin ka hor lagu qabtay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay waxyaabaha qasbay inuu Alshabaab kasoo goosto.

Cabdulaahi Maxamed Muxumad, oo ah sarkaalka dhanka miinooyinka u qaabilsanaa Alshabaab oo shalay lagu soo bandhigay magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegay in Alshabaab uu ka qaatay go’aan ah inuu isaga soo baxo.

“Muddo badan ayaan la shaqeynayay, dhanka militiraga ayaan qaabilsanaa markii dambe amniyaadka ayaala ii badalay, waxaan ogaaday waxa ay wadaan ineysan diin raad ku laheyn”ayuu yiri.

Wuxuu dhanka kale sheegay in Alshabaab uu ku biiray xiligii maxkamada islaamiga isagoo kaga biiray dhanka magaalada Muqdisho.

“Markii aan arkay qof masjid kasoo baxay oo la dilayo, waxaan qaatay go’aan oo dhul badan oo howd ah ayaan soo maray dhanka dowlada ayaana ku soo biiray, anigana xiligii maxkamadaha kadib ayaan Alshabaab ku biiray”ayuu yiri.

Wuxuu ugu dambeyn ugu baaqay dhalinyarada kale e ka tirsan Alshabaab iney kasoo baxaan oo ay kusoo biiraan dhanka dowlada Soomaaliya, sida uu sheegay