Odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan ayaa si kulul waxa ay u cambaareeyeen dil habeen kahor magaalada Baladweyne loogu geystay Nabadoon Axmed Aadan Xasan Siyaar oo ka mid ahaa Odayaasha dhaqan ee goabalkaasi.
Nabadoon Dacar Xirsi Nuur oo ah gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan ayaa isaga oo ku sugan Magaalada muqdisho, waxaana uu sheegay in ay aad uga xunyihiin falkaasi dilka ah.
Golaha dhaqanka ee gobalka Hiiraan ayuu sheegay in horay looga dilay 16 Odayaal dhaqameed, hase ahaatee markii halkaasi ay tageen ciidamada Jabuuti ayuu sheegay in amaan la helay, balse xilligaan ayuu ku sifeeyay dilalkaan dhacaya in ay ka dambeyso wax qabad la’aan jirta.
Gudoomiye Dacar ayaa ugu baaqay maamulka gobalka Hiiraan in ay u istaagaan wax ka qabashada xaaladda ka jirta magaalada Baladweyne, gaar ahaan beegsiga lagu hayo Odayaasha dhaqanka ah.
Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday hoyga magaalada Baladweyne uu ka deganaa Nabadoon Axmed Aadan Xasan oo loo yaqaanay Axmed Siyaar, waxaana halkaasi ku dhintay Nabadoonka iyo wiil isaga ilaalo u ahaa, waxaana ku dhaawacmay Gabar yar iyo hooyadeed.
Halkaan Hoose ka dhageyso: