Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay dagaallada kusoo laab laabtay qaar ka mid ah gobalada dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in dagaalladaan ay ka dambeeyaan dad aan rabin dowladnimada iyo nabadda Dalka.
Waxa uu sheegay in ayaan darro ay tahay in ay dhacaan dagaallo aan uljeed lahayn, laguna daadiyo dhiigga dadka shacabka ah ee waxba galabsan.
Mar uu soo hadal qaaday qaabka lagu xalin karo dagaallada sokeeye ee mararka qaar dalka ka dhaca ayuu sheegay in looga baahan yahay dhaqanka Soomaaliyeed inay xaliyaan dagaalladaasi, dowladda Soomaaliyana ay kor ka maamusho.
Cabdiqaasim ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto cid walba oo doonaysa in dalka ay dagaal ka huriso, islamarkaana shacabka aan la dooneyn dowladnimo iyo kala dambeyn.
Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasi Salaad Xasan ayaa sheegay in si loo helo nabadda dalka la doonayo in la qabto shirweyne ballaaran oo is cafin ah, Soomaali oo dhan ay kasoo qeyb gasho.
Halkaan Hoose ka dhageyso: