TOP DHAGEYSO:- Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Xalay Kulamo La Yeeshay Odayaasha Ku Sugan Duusamareeb.

0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ku sugan degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Odayaasha dhaqanka iyo sidoo kale mas’uuliyiinta ku sugan degmadaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku sugan halka uu ka soconayo shirka dib u heshiisiinta ee beelaha degan gobalada Mudug iyo Galgaduud, waxaana saacadihii lasoo dhaafay uu waday kulamadan.

Waxyaabaha laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ah arimo ku aadan shirka socda iyo sidoo kale arimo la xiriir maamul u sameyta gobalad Mudug iyo Galgaduud.

Saacadaha soo aadan ayaa la filayaa in saxaafadda faah faahin dheeraad ah laga siiyo kulankii xalay uu ra’iisul wasaaraha la yeeshay Odayaasha dhaqanka ku sugan degmada Dhuusamareeb iyo maamulka gobalka Galgaduud.

Degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa shalay waxaa lagu soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha Soomaalia Cumar Cabdirashiir oo ay wehlinayaan xubno ka tirsan Labada gole ee dowladda Federaalka.

Halkaan Hoose ka dhageyso: