Wararka ka imaanaya Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in xalay Magaaladaasi lagu dilay Nabadoon Axmed Adan Siyaar oo ka mid ah Odayaasha Magaalada Beladweyne.
Dilka Nabadoonka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada howlwadaag ee Magaalada Beladweyne, xilli Nabadoonka aqalkiisa ay ku soo weerareen rag hubeysan, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay labo caruur iyo xaaskiisa oo rasaasta ay ku dhacday.
Raggii hubeysnaa ee falkaan ka dambeeyay ayaa ka baxsaday goobtii ay dilka ka geysteen, waxaana sidoo kale saaka Magaalada Beladweyne lagu arkay meydka wiil dhalinyaro ahaa oo la sheegay in raggii hubeysnaa ay horay uga sii kaxeysteen guriga Nabadoonka.

Meel lagu magacaabo Burjada xiinto oo Magaalada Beladweyne gudaheeda ah ayaa saaka aroortii lagu arkay meydka wiilkaan dhalinyarada ah.
Kooxaha dilkaan ka dambeeyay, ayaan la garaneyn rasmi ahaan waxa ay yihiin, iyadoo maamulka Magaalada Beladweyne aysan ka hadlin dilalkaan ka dhacay Magaalada Beladweyne.
Xaafada howlwadaag ee Magaalada Beladweyne, ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee loo geysanaayo Nabadoonada Magaaladaasi ku dhaqan.
Hoos ka dhageyso Wariye Cismaan Aadan Careys Oo Aan Ka wareysanay Dilka Nabadoonka.