MOGADISHU, Somalia (Allgalgaduud.com) – Waxaa caawa heegan buuxa la galiyay dhammaan ciidamada Dowlada Soomaaliya, si ay uga hortagaan weeraro ay Al-Shabaab qorsheeyeen oo ay maagan yihiin inay ku gilgilaan Magaala madaxda dalka ee Muqdisho.
Isagoo la hadlayey Raadiyaha Dowladda, ayaa Afhayeenka wasaaradda amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan waxa uu sheegay in heegan buuxa la geliyay ciidamada ammaanka, kadib markii ay heleen xog ku saabsan Dagaalyahanada Al- Shabaab oo qorsheynaya falal amaan darro ah oo ay ku fuliyaan Muqdisho.
Waxa uu intaa ku daray Afhayeenka in Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay muqdisho kawadaan howlaglo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo amaanka loogana hortagayo falal Argagaxiso uu sheegay in ay maleegayaan Xarakada Al-Shabaab.
Afhayeenka wasaaradda amniga Qaranka ayaa tilmaamay in Ciidamada amaanka ee Howlagalada ka wada Magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay ay fashiliyeen qaraxyo uu sheegay in lagu soo xiray gawaari iyo mootooyin la qorsheenayay in Muqdisho looga fuliyo qaraxyo.
Ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad Sugida Qaranka ayaa caawa lagu arkayaa inta badan Isgoosyada Magaalada Muqdisho, kuwaa oo baaraya gaadiidka iyo sidoo kale dadka ay ka shakiyaan, waxaana aad moodaa in dhammaan wadooyinka ugu muhiimsan magaalada ay bandow yihiin.