TOP DHAGEYSO:- Al-shabaab oo isku Khilaafsan ku biiritaanka Kooxda Daacish.

0

Garab uu Hogaaminayo Axmed Diiriye Abuu Cubeyda oo ah Hogaamiyaha Shabaab ayaa doonaya in ay la midoobaan Kooxda Daacish islamarkaana ay ka Furtaan Ururka Al-qaa’ida oo ay ka tirsan yihiin,waxaana jirta in Saraakiil kale oo Shabaabka ka tirsan oo uu kamid yahay Mahad Karataay ay ka soo horjeesteen in lagu biiro Daacish.

Wararka ayaa sheegaya in Arrintaasi uu ka dhashay Khilaaf Xoogan oo Kooxda soo kala dhexgalay,iyadoona Shalay ilaa Xalay Dagaalameyaal kala Taabacsan Labada Garab ay ku dagaalameen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Hoose oo Al-shabaab ay Maamulaan.

Khilaafkaan Cusub ee Al-shabaab soo kale dhex galay ayaa imaanaya xili uu horay u jiray Khilaaf kale oo ka dhextaagnaa Saraakiisha Al-shabaab.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Warbixin Kooban: