C/qaadir Maxamed Cashar Nadaara oo aan la Xariirnay ayaa sheegay in uu Xilkaasi u Magacaabay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan uu ku shaqeynayo,waxaana uu u Mahadceliyay Madaxweynaha Koofur Galbeed.

C/qaadir Nadaara oo loo magacaabay Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed ayaa hada ku maqan dalka Dibaddiisa gaar ahaan Magaalada London,iyadoona uu badalay Afhayeenkii hore ee Maamulkaasi Siyaad Sheikh Daahir.
Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga C/qaadir Nadaara: