Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ay xukun lacageed ku riday Afar wariye oo ka hawlgalayay Idaacaha Shabeelle, Sky iyo Risaala ee Magaaladda Muqdisho.
Dooda dacwada kadib iyo markii la dhageystay cadeymihii ay keeneen Qareenada ayaa kadib Gudoomiyaha Maxkamada waxaa uu riday xukunka
Cabdi Maalik Yuusuf oo ah Milkiilaha Idaacaddaha Shabelle iyo SKY ayaa lagu xukumay $10,000 iyo Waqtigii uu xirnaa.
Axmed Cabdi Xasan oo Idaacada Shabelle ka tirsan ayaa isna lagu xukumay $500 iyo Waqtigii uu xirnaa.
Sidoo kale Maxamuud Carab oo ah agaasimaha Radio SKY ayaa isna lagu xukumay $2,000 iyo Waqtigii uu xirnaa.
Maxamed Cabdi Cali oo ka tirsan Risaala ayaa isna lagu xukumay $500 iyo Waqtigii uu xirnaa.
Dhinaca kale waxaa dib loo dhigay xukunka Wariyaha kale ee Maxamed Bashiir Xaashi oo ka tirsan Idaacada Shabelle.
Xukunkan ay riday Maxkamada ayaa noqonaya kii u horeeyay muddo kadib markii dhowr jeer maxkamada la soo taagay wariyeyaasha ka howl galayay Idaacada Shabelle iyo SKY, kuwaasoo muddo ku dhow todobo bilood xirnaa.
Hoos ka dhageyso cod: