War-cusub Washington DC: Obama Oo 24-sano Kadib Safiir Usoo Magacaabay Somaliya.

0

Dowladda Mareykanka ayaa 24-sano Kadib Soomaaliya u soo magacaawday Safiir cusub, kaasi oo noqon doona Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhin doona dalka Soomaaliya.

Sanidihii ugu dambeeyay Mareykanka waxaa Soomaaliya uga howlgalaayay ergay oo ma laheyn safiir rasmi ah oo Mareykanka u qaabilsanaa arimaha Soomaaliya.

Haweenay lagu magacaabo Katherine Simonds Dhanani Ayuu Obama Ugartay in Ay Somaliya Ujoogto Waxaanna Uu Ku Dhawaaqay Talaadadii Shalay Waxeyna xilal kala duwan kasoo qabatay Qaaradda Afrika.

 

Dhanani oo hadda ah Agaasimaha Arrimaha Ammaanka iyo Gobolka ee Xafiiska Africa ee Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa horey uga soo shaqeysay dalallka India, Mexico iyo Guyana.

“Magacaabistan taariikhiga ah waxa ay tuseysaa xiriirka sii qota dheeraanaya ee Somalia iyo Mareykanka” Ayay tiri Jen Psaki oo ah Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Oo La Hadashay Warfideenka.

us ambasador somalia
Safiirka Mareykanka Ee Soomaaliya (Katherine Dhanani)

Madaxda Dowladda Ee Xilagan ayeey fursad u tahay magacaabista Safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka u soo magacaawday dalka Soomaaliya, maadaama iminka xiriirka USA iyo Soomaaliya uu noqonaayo mid wanaagsan.

Somaliya Ayeeyna Noqonaysa Markii Ugu Horeysay Oo Mareykanku Safiir Usoo Magacowda Tan Iyo 24-Kadib Oo Dalku uu Ku Jiray Dagaallo Sokeeye Oo Halakeeyay Xiriirkii Caalamka iyo Somalidda.