(Dhageyso) Waa see Saaka Xaaladda Guriceel?….

0

Afhayeen u hadlay Koox ka mid ah Ahlu Sunna oo Dagaal kula jira Maamulka Dowladda ee Gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay Dagaaladii shalay ka dhacay Degmada Guriceel.

Cabdi Nuur Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ay wali gacanta ku hayaan Magaalada kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dhinaca kale ay gudaha u galeen Degmada.

Kooxda ayaa ku eedeysay Dowladda inay qaadeyso Mas’uuliyada Dagaalkii shalay ka dhacay Degmada, iyaga  oo sheegay in lagu soo gardarooday.

Xaaladda Degmada Guriceel ayaa saaka u muuqata mid dagan inkastoo wali ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo xiisad Dagaal.

Hoos ka dhageyso”