(Dhageyso) Afhayeenka Ciidamada Asluubta “Waxaan Gacanta Ku Haynaa 94 Xabsi”

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay munaasabad loogu dabaaldagayay sanad guuradii 45aad ee kasoo wareegtey markii la asaasay ciidamada asluubta Soomaaliyeed, kuwaasi oo mas’uul ka ah illaalinta maxaabiista iyo maamulista xabsiyada.

Afhayeenka ciidamada Asluubta Macalin Xasan Cumar Afrax ayaa yiri “Ciidamada asluubta waxay u dabaaldagayaansanad guuradii 45 guuradii kasoo wareegtey markii la asaasay” “Ciidamada Asluubta waa ciidanka sedexaad, waana ciidan sedexaad” ayuu intaasi ku daray.

Waxa uu sheegey in guud ahaan dalka ciidamada asluubta ay hadda gacanta ku hayaan illaa 94 xabsi, kuwaasi oo ka dhisan Puntland, gobolada dhexe, Banaadir , Bay iyo Jubbooyinka.

Munaasabadda oo ka dhacday kilo mitir 7 xarunta ciidamada asluubta ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madax kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo bogaadiyey ciidamada.

Illaa 2 guuto oo ka tirsan ciidamada asluubta ayaa ka qeybgalay dabaaldegyada asluubta, waxayna muujiyeen heeganimo iyo in ay shaqada diyaar u yihiin inkasta oo ay wajahayaan xaalado adag oo xagga nolosha ah.

Hoos ka maqal Codkiisa: