Hal ruux ayaa ku geeriyooday, qof kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray, markii gaariga qarax loogu xiray, iyadoo Gaariga uu lahaa Engineer la shaqeynayay Hey’adda Turkiga ee Muqdisho ka howl gala.
Wararka ayaa sheegaya in Engineerka qaraxa loogu xiray uu ka bad baaday, balse uu ku dhintay darawalkii gaariga wadayay, waxaana markii uu qaraxa dhacay goobta gaaray ciidamada ammaanka.
Goob jooge Gabar Ah Ayaa AGGM Usheegtay in gaariga oo qeybta hoose ee darawalka qaraxa lagu xiray uu marayay agagaarka Xaafada Taleex ee degmada Hodan.
Qaraxyada gaadiidka lagu xiro ayaa ku soo badanayay dhowrkii bil ee u dambeeyay, waxaana loogu xiraa gaadiidka raaxada ee ay si gaar ah u leeyihiin shaqsiyaadka ka tirsan dowladda iyo dadka kale.
Qaraxan galabta ka dhacay degmada Hodan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo jimcihii la soo dhaafay qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay Hotel Central, halkaasoo ay ku dhinteen ku dhowaad sodon ruux, halka tiro kontan ka badana ku dhaawacmeen.
Hoos ka dhageyso Goobjoge Waxaanna Ay Uwarantay Wariyahenna Yuusuf Cabdi shire: