(Dhageyso) Shir looga hadlayo Ammaanka Gobalka Nugaal oo maanta Garowe lagu qabtay.

0

xarunta Gobalka Nugaal ee magalada Garowe ayaa maanta oo Tallaado ah waxaa lagu qabtay shir looga hadlayo ammaanka Gobalka, kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiiro, waxgarad iyo qaybaha shacabka.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdilaahi Ciise Axmed ayaa sheegay muhiimadda kulankan inay tahay sidii dadka loogu baraarujin lahaa nabadda Gobalka iyo xoojinta midnimadda.

Cabdilaahi Ciise ayaa sidoo kale sheegay horumar in lagu gaaro dowladnimo iyo la shaqaynteeda, dadkana looga baahan yahay inay dowrkooda muujiyeen.

Hoos ka dhageyso codka Gudomiyaha:

Nabadoon Siciid Maxamed Nuur oo ka mid ah Odayaasha Gobalka Nugaal ayaa sheegay inay dhankooda ka go’an tahay sidii ammaanka looga wada shaqayn lahaa, isla markasna looga wada shaqayn lahaa danta caamka ah ee dadka ka wada dhaxaysa.

Gudoomiyaha Haweenka Gobalka Nugaal Faadumo Axmed ayaa dhankeeda sheegtay dowladda Puntland in looga baahan yahay inay sharcigeeda adkayso, oo qofkii dambi galaa lagu qaadaa waajibkiisana la mariyo, waxayna sheegtay dhankooda inay muujin doonaan adkaynta nabadgalyadda Nugaal.

Maayarka magalada Garowe ayaa sheegay magalada Garowe inay horumar ballaaran samaynayso ayna cadayn u yihiin guryaha faraha badan ee Hay’addaha caalamiga ah ka dhisanayaan gudaha magalada Garowe, hase yeeshee loo baahan yahay in lasii adkeeyo nabadgalyadda Caaasumadda.

Wasiiradda Amniga iyo Deegaanka Xasan Cismaan Aloore iyo Guuleed Saalax Barre ayaa sheegay inay dowladdu dowrkeeda qaadan doonto, ayna gacan ku qaban doonto cid kasta oo amniga caqabad ku ah, balsel loo baahan yahay si wada jir ah in hal meel looga soo wada jeesto.

Halkaan ka dhageyso codka wasirka amniga:

Shirkan Amniga ku saabsan oo maanta ka dhacay magalada Garowe ayaa kusoo aadaya xili howlgalo ammniga lagu adkaynayo ciidanku ka wadaan caasumadda.