Xog Dhab Ah: Ma Ogtahay Dhaqaalaha Loogu Baaqay Maxamed Ugaas Xaashi

0

Ugaaska-Beesha-Sade-15Garbahaaray(AGGM) Sida laga war hayo Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi oo kooxaha shar-wadayaasha & Dilaalintii u tilmaamaan ugaas ayaa maalmihi la soo dhaafay Beesha Sade u sheegay inuu ka tanaasulay tageeradii uu hayey Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ee ka arrimiya Magaalada Kismaayo.

Maxamed Ugaas Xaashi waxaa uu dhawaan ku soo guryo noqday Magaalada Garbahaaray Ee Xarunta Gobolka Gedo halkaasi oo ay ku kulansan yihiin in ka badan 1000 ruux oo dareejooyin kala duwan leh kuwaasi oo ka arrinsanaya xaaladaha cakiran ee ka taagan Gobollada Jubooyinka Iyo Gedo,sidaas darteed Maxamed Ugaas Xaashi waxaa uu sheegay inuu Madaxda,Waxgaradka & dhamaan bulshada kala duwan ee ku sugan Garbahaaray ula feker yahay isla markaasna uusan tageero u ahayn Horjoogayaasha Raaskambooni.

Intii uu ku sugnaa Magaalada Garbahaaray waxaa uu la hadlay Saxafada isagoo dhaliil u jeediyey Horjoogayaasha Raaskambooni isla markaasna ka hadlay dhibaatadda Lixaadka leh ee ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo,waxaana Maxamed Ugaas xilligaas hadaladiisa laga dheehan karayey inuu ka tanaasulay tageeradii iyo hor-boodintaankii u hayey Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Maxaa Ka Dambeyey hadalkiisii Warbaahinta.

Markii uu maalinimadii saxafada la hadlay Maxamed Ugaas Xaashi waxaa isla habeenkii xigey soo wacay Horjooge Maxamed Cabdi Afay,Axmed Madoobe & Jeneraal Fartaag oo si wada jir ah khadka telefoonka u soo galay,waxaana ay Maxamed Ugaas Xaashi kala hadleen sidii uu shirkaasi uga soo ambabixi laha isla markaasna uu uga qayb gali lahaa Shirka ka socda Doolow.

Masuul la joogey Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas oo warbaahinta Allgalgaduud xogtaasi siiyey ayaa daboolka ka qaaday inay la soo hadleen isla markaasna ay dhaqaale lacageed oo farro badan u balan qaadeen Maxamed Ugaas Xaashi inay siinayaan hadii uu ka soo duulo Magaalada Garbaaharay oo ahay madaashii ay ka socdeen shirka Beesha Sade ee Midnimo.

Masuulkan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa daboolka ka qaaday in Maxamed Ugaas Xaashi loo balan qaaday 150,000 oo dollarka Mareykanka isla markaasna loogu shubay Account uu ku leeyahay dalka Kiiniya,Waxaana sidoo kale loogu balan qaaday in si gaar ah loogu maamusi doono laba Xildhibaan oo u gaar ah,isdoo kalena diyaarad loo soo direy kharashkeedana laga baxsashay.

Sidoo Kale Goob Joogahan waxa uu daboolka ka qaaday inuu Maxamed Ugaas Xaashi ka codsaday inuu u raaco doolow isla markaasna uu xildhibaanada la magacaabayo ku dari doono,waxaana uu goob joogahani shaaca ka qaaday inuusan u socon Magaalada Doolow isla markaasna uu la feker iyo Masiir la yahay Masuuliyiinta Beesha sade ee ku sugan Garbaaharay.

Lama oga xaaladu sida ay ku dambey doonto maadama shirar kala duwan ka socdaan gobolka Gedo iyadoo shirka ugu muhiimsan uu yahay shirka midnimo ee beesha sade uga socda Magaalada Garbahaaray halkaasi uu ku sugan yahay ugaaska guud ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo beeshu isku raacday inuu yahay Ugaaska guud ee Beesha Sade Darood.

Daahir Faarax Caalin

Garbahaaray,Gedo

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com