Cape Town, South Africa (Allgalgaduud.com) – Waxaa muddo saacado ah hakad galay maanta dhammaan dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga ee Xaafadda ay Soomaalida ka degto Magaalo-xeebeedka Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, ka dib markii ay Xaafaddaasi kusoo xoomeen Kumanaan Mudaharaadayaal ah.
Dibadbaxayaasha, oo dalbanayey in la sii daayo mid ka mid ah Hogaamiyaasha arimaha bulshada u ololeeya ee Xisbiga ANC oo lagu maxkamadaynayey Maxkamadda Bellville Court oo ku dhex taalla isla xaafadda Soomaalida ku badan tahay, ayaa waxa ay isku dayeen dadka banaanbaxayey inay gacanta mariyaan ama ay boobaan qaar ka mid ah mehradaha ganacsiga ee halkaasi ku yaalla, taasi oo ay Soomaalida ka dhiidhisay, islamarkaana ay iska difaaceen.
Mudaharaadayaashani oo u badnaa Haween iyo Dhallinyaro qaarkood Ulo ama Bud sitaan, ayaa markii ay natiijada Maxkamadda soo dhagaysteen waxay galeen Baqaar wadada Durban Road ee Bellville ku yaalla si ay u boobaan, balse waxay iska caabin xoog leh kala kulmeen Soomaalida halkaasi joogtay oo iyagu u adeegsaday Dhallooyinka Cabitaanada iyo biraha albaabada laga sameeyo, iyadoo durbadiiba halkaasi ay soo gaareen Cutubyo Booliska rabshadaha ka hor-taga ah, waxaana goobta laga qaaday qaar ka mid ah banaanbaxayaasha oo dhaawac ah.
Ma jiro wax dhaawac ah ama dhibaato kale ah oo halkaasi muwaadiniinta Soomaaliyeed kasoo gaaray, marka laga reebo hakadka ganacsiga.
Waxaa iminka caadi ah dhammaan adeegyadii ganacsiga ee Xaafadda Soomaalida, inkastoo wali la hadalhayo in saacad kasta ay soo rogaal-celin karaan Dibadbaxayaasha.
FILO GOOR DHOW : Sawirada Rabshadihii Maanta & Wixii Warar ah Oo Arrintani Kusoo Kordha
By C/risaaq IndhaJaceyl
+27783420920