(Sawirro) Wasiirka Arrimaha Dibadda Abdusalam Hadliye oo qaabilay Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya.

0

Mogadishu, February 24, 2015 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr.  Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Turkey u qaabilsan Soomaaliya ambassador Olgan Bekar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya iyo iskaashiga dhaqan , dhaqaale iyo milatari .

Kulankan  oo la isku dhaafsaday aragtiyo ku qotama xaaladda dalka iyo gobolka geeska Afrika , ayaa looga baaraan-degay  xiriirka dhinacyada badan leh ee labada dowladood u dhaxeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa .

Fadhigani oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah saraakiisha Xafiiska Wasiirka , ayaa  lagu falan-qeeyay fulinta barnaamijyo horumarineed oo dalka wax ku ool u ah.

 

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Daawo sawirro:

IMG_0166 (1) IMG_0168 IMG_01672 IMG_01691 IMG_01701