(Dhageyso) Farmaajo oo Dowladda usoo jeediyay sida ugu haboon ee amniga ay ku sugi karto.

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumaddii KMG aheyd Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayaa ka hadlay weerarkii abaabulnaa ee Kooxda Shabaab ay ka geysteen Jimcihii lasoo dhaafay Hoteelka Central ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa Uu muujiyay sida uu kaga xun yahay ficilkaasi ay Shabaab geysteen, isaga oo ALLE uga baryay dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi inay caafimaadaan, halka kuwii geeriyoodayna uu reerahooda uga tacsiyadeeyay.

Farmaajo ayaa sheegay sida ugu haboon ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga hortaggi karto weerarada qorsheysan ee Kooxda Shabaab ay ka geysanayaan caasimada Magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa ku waramaayo daryeelka ciidanka iyo sare u qaadista tayada tababarada ciidamada inay door muuqato ku yeelanayso hanaanka suggida amniga iyo ka hor tagga weerarada Shabaab, isaga oo Dowladda usoo jeediyay in ay kor dhiso ciidankeeda Sirdoonka oo xogta keena iyo sidoo kale ciidamada Booliiska iyo Nabad Suggida oo amniga ka shaqeeya.

“Aniga waxaan u arkaa in amniga lagu suggi karo in la kordhiyo ciidanka Sirdoonka iyo Booliiska in ciidamada la daryeelo mushaaradooda iyo caafimaadkooda mooraalkooda la xoojiyo tababar xoog leh lagu siiyo sidii looga hortaggi lahaa qoladaan dhagarqabayaasha ah”Ayuu yiri Farmaajo Oo Wareysi Siinayay idaacadda VOS Ee Cabudwaaq.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay xiisadaha colaadeed ee ka taagan Gobolka Galgaduud, wuxuuna dhinacyada halkaasi is ku haayo ujeediyay inay wax waliba wadahadal ku dhameeyaan oo ay xaliyaan xiisadaha.

Weerarkii Shabaab ay ka geysteen Jimcihii lasoo dhaafay Hoteelka Central ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 28-ruux halka ay ku dhaawacmeen 54-ruux oo Masuuliyiin iyo shacab isugu jira.

Hoos ka dhageyso wareysiga Farmaajo Oo Dhinacyo badan Taabanaya: