(Dhageyso) M/weyne Geelle Oo Sheegay in Edeynta All-shaab ay Tahay Afka Un.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle oo la hadlay Laanta Afka Soomaaligaa ee VOA ayaa ka hadlay Hadal hanjabaad ah oo Al-shabaab ay u direen Dalalka Mareykanka,Ingiriiska iyo Canadda oo ku Aadanaa in ay Weeraro ka geeysanayaan Wadamadaasi.

Cismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Hanjabaada Al-shabaab ay tahay Afka uun kaliya islamarkaana aysan lahayn Awood ay Weeraro Nuucaas oo kale ah ay ku Fuliyaan.

“Waan Maqlay Hanjabaada Al-shabaab ee ah in Weeraro ay ka geeysanayaan Dalalka Reer Galbeedka,waxaa ii muuqata inyasan jirin Khatar ay xiligaan leeyihiin Shabaab oo aan ka aheyn in ay isku Qarxiyaan Dadka Shacabkaa,waxaana uu Tusaale u soo qaatay Gabadhii isku Qarxisay Hottelka Centeral ee Muqdisho 20-kii Bishaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti ayaa intaa ku daray in Dowladd walba looga baanah yahay Xaqiijinta Amaankeeda,maadaama ay waxkasta dhici karaan,laakiin Al-shabaab Awoodoodii wey wiiqantay oo Weeraro halis ah xiligaan ma qaadi karaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Madaxweynaha: