Ciidamada Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa Daraawiishta ayaa Howlgallo ay ka fuliyeen Wadada isku xirta Magaalada Boosaaso iyo Buuraleyda Galgalla waxaa ay ku soo qab qabteen Rag ay ku sheegeen Al-shabaab.
Sargaal sare oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa Xusay in Ciidamadu ay qabteen ilaa Dhowr ruux oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaana Weeraro ka soo qaadi jiray Buuraha Golis ee Al-shabaab ay ku Xoogan yihiin.
Ciidamada Maamulka Puntland iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer ku dagaalamay Buuraha Galgalla,iyadoona uu Maamulka Puntland horay u sheegay in Al-shabaab ay ka saareen Buuraha Galgalla.
Hoos ka dhageyso: