Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Xaaji Xuseen ayaa sheegay in ay ku filan yihiin adkeynta Goobta Shirka dhismaha Maamulka Mudug iyo Galgaduud oo ka dhacaya Magaalada Cadaado.
Maxamed Xaaji Xuseen ayaa sheegay in Ximan iyo Xeeb ay heysato Ciidamo ku filan oo awood u leh sugida Amaanka waxaase uu dhinaca kale sheegay in ay soo dhaweynayaan hadii la doorbido in AMISOM la geeo Cadaado.
Ka qeybgalayaasha Shirka Mudug iyo Galgaduud ayaa horay u codsaday in halka uu ka dhacayo Shirka la geeyo Ciidamada AMISOM si ay Amaanka u xaqiijiyaan.
Hoos ka dhageyso codka: