War Deg Deg Ah: Diyaaradi Qaadi Lahayd Maxamed Ugaas Xaashi Oo Soo Dagtay Iyo Isagoo Loo Diidan Yahay Inuu Raaco Diyaarada.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya garoonka Diyaaradaha ee Magalaada Garbahaarey ayaa waxa ay sheegayaan in ay soo dagtay diyaaradi qaadi lahayd Maxamed Ugaas Xaashi iyo Kooxdiisa Bacmadoow iminkana ay mudo dhan hal saacna ay sugeyso sidii ay u qaadi lahayd.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaan in Maxamed Ugaas Xaashi loo diidan yahay inuu ka dhoofo garoonka islamarkaana Nabadoonada, Waxgaradka, Saraakiisha, Siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee Bulshada Beelweynta Beesha Sade ee Gobolka Gedo ay diidan yihiin in Maxamed Ugaas Xaashi ka dhoofo Garoonka diyaaradaha Garbahaarey.

Waxaa hadda ka socda Garoonka Diyaaradaha Garbahaarey buuq iyo isqab qabsi Maxamed Ugaas Xaashina waa loo diidan yahay inuu Raaco amaba koro diyaarada isagoo sheeganaya Ugaasnimo.

Dhinaca kale waxaa hadda soo gaaray kuna sugan garoonka Gudoomiyaha Gobolka Gedo Iyo Kan Degmada Garbahaarey.

Waxii ka soo kordha Warkan kala soco Allgalgaduud Media