Sawirro:Mid ka mid ah Musharixiinta gobollada Dhexe oo la kulmay Jaaliyada Somaliyed gobolka Ohio.

0

Dr. Mohamed Elmi Afrah (Mideeye)  oo ka mid ah Musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxnimo ee maamulka gobolada dhexe ee Soomaaliya oo soo gaaray magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka ayaa manta kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolkan.

Waxa kulanka Musharaxa ka soo qeybgalay aqoonyahano, xeeldheerayaal, Cuqaal, iyo qeybaha Bulshada, kuwaas oo si weyn u soo dhaweeyay Dr. Mohamed oo ah shaqsi u soo shaqeeyay bulshada goboladasaasi mudo 20 sano ah oo uu madax ka ahaa qaar kamid ah hay’adaha samafalka ee gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Ku dhawaaqida in uu xilkan u taaganyahay waxa uu ku sifeeyay in uu yahay shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo u leh baahida iyo rabitaanka shacabka goboladaasi ku nool, iyo in uu mudo ku soo dhexjiray oo uu la socdo waxyabaha gobolka ku haboon, sida Amaanka, Dib u heshiisiinta, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Abuurista shaqooyinka, Kobcinta dhaqaalaha iyo wixii la hal maala.

Dadkii ka soo qeybgalay oo u badnaa dadka goboladaasi ka so jeeda ayaa waxa ay u muujiyeen Dr.Mohamed sida ay ugu faraxsanyihiin in qof aqoonyahan ah dalkana mudo ku sugnaa kana soo shaqeeyay ay mudantahay in uu hogaanka u qabto iyaga oo ka codsaday dadka goboladaasi in ay is garab taagaan walaalkood Dr. Mohamed Elmi Afrah (Mideeye) oo ah nin dhalinyaraa oo wax badali kara.

Musharaxa ayay bogaadiyeen dadkii ka hadlay oo ku raray fariimo xanbaarsan masuuliyada uu filayo iyo halista ay leedahay hadii aan si daacad ah loo gudan, waxayna ka codsadeen hadii uu wayo xilkan in uu shaqada bulshada uu u hayo halkeedii ka sii wado dhanwalba oo ay tahay.

Qaarkamid ah ardadii ay wax isla soo barteen xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa goobta ka hadlay kana sheekeeyay Taariikhda Dr. Mohamed iyaga oo ku tilmaamay Muwaadin wanaagsan isla markaana dhibtii dalka ee ay saxiibadii ka carareen u samray wax ku sii bartay, kana shaqeeyay.

Waxa uu horay socdaal meelo badan ah ku tagay deegaamada gobolada Galgaduud iyo Mudug, Waxana uu noqonayaa Musharaxii ugu horeeyay oo jaaliyada Columbus la kulma isaga oo ka codsanaya in dadka wax galkaa ay dalka yimaadaan isla markaana naftoda, waqtigooda iyo maalkoodaba u huraan.

IMG_1788 IMG_1796 IMG_1802 IMG_1803 IMG_1804 IMG_1805 IMG_1813 IMG_1818 IMG_1848 IMG_1867 IMG_1872 IMG_1883 IMG_1897 IMG_1898 IMG_1899 IMG_1900 IMG_1904 IMG_1912 IMG_1913 IMG_1914 IMG_1915 IMG_1916 IMG_1918 IMG_1927 IMG_1937 IMG_1941 IMG_1952 IMG_1965 IMG_1967 IMG_1980 IMG_1982 IMG_1992 IMG_1993 IMG_2004 IMG_2016 IMG_2017 IMG_2027 IMG_2034 IMG_2039 IMG_2047 IMG_2058 IMG_2061 IMG_2067 IMG_2093 IMG_2098 IMG_2119 IMG_2134 IMG_2144 IMG_9482 IMG_9490 IMG_9498 IMG_9520 IMG_9524