Suuq Shidaal lagu iibiyo kan ugu weyn hada Muqdisho ayaa ilaa iyo hada gobanaya, kadib markii uu Dab ka kacay goobta uu shidaalkaas yaalo oo ku taala Isgooska Black Sea ee magaalada Muqdisho.
Marka laga soo tago goobta uu markii hore Dabku ka kacay waxa uu kusii fiday goobo hor leh oo xitaa qaarkood ka baxsan goobaha Shidaalka.
Fuustooyinka Shidaalka ayaa sameynaya qaraxyo, waxa ayna ku faniinayaan meelo aad uga fog goobta ololeysa hada, taasoo sii balaarineysa qasaaradaha iyo masiibadaasi ku habsatay maanta Suuqa Bakaaraha.
Ololka iyo Uurada ama qiiqa dabka ayaa hawada isku shareeraya marba marka kasii dambeeysa, oo waxaa laga arkayaa xitaa meel ka baxsan Caasimada.
Goobaha Ganacsiga ayaa lawada xiray, waxaana ganacsatada iyo laamaha amaankaba ay aad u adkeeneyaan nabadgelyada ganasiga Suuqa Bakaaraha.
Warar kale ayaa sheegaya in ayan ciidamadu u ogoleen dadka badankood in ay gudaha u galaan Suuqa ama nawaaxiga goobta si loo yareeyo qasaaraha ama ayan u dhicin bililiqo.
Lama sheegin ilaa iyo hada dad ku dhintay, hase ahaatee waxaa la rumeysan yahay in ay jireen dad uu si kedes ah dabku ugu qabsaday goobaha qaar ee ama guryo ah ama dhismooyin kale ah, oo ay ku jiraan kwo ganacsi, kwaasoo aan lahayn ilaa iyo hada nolo, iyo geeri.
Gaadiidka Dab-damiska iyo Ambalaasta ayaa gaaray goobta si loo yareeyo qasaaraha, waxayse ila iyo hada gaadiidka Dab Damisku ku guuleysan la’a yihiin in ay baqtiijiyaan dabka.
Isusocodkii dadka iyo gaadiid ayaa aad u adkaaday, waxaana dadka Muqdisho oo dhan soo wajahay baqdin maanta, maanta goobta uu dabku ka soconayo ay tahay meel ay hantiyi u wada taalo Soomaalida dhan.