Xiisad colaadeed ayaa ka taagan Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadib markii uu mugdi galay heshiiskii Xabad joojinta ay wada gaareen dhinacyada Ahlu Sunna iyo Dowladda.
Macadda rasmi ahaan waxa ka dambeeya in Heshiiska labada dhinac walaac laga muujiyo waxaase la sheegayaa in dhaqdhaqaaq Ciidan laga dareemayo Magaalada.
“waxaan ka cabsi qabnaa in uu Dagaal dib uga bilowdo Degmada waayo saansaanta ma fiicna waxaa jira dhaqdhaqaaq Ciidan” ayuu yiri Qof ka mid ah Dadka Deegaanka ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Dadkii ku haray Guriceel qaar ka mid ah ay ka barakacayaan Guryaha si ay uga hortagaan waxyeelo kasoo gaarta Dagaal mar kale dhaca.
Hoos ka dhageyso cod: