(Dhageyso) Xisbiyada Mucaaradka Ee Somaliland Oo U Digay Siilaanyo

0

Xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ayaa sheegay in marnaba aanay aqbali doonin muddo kororsi uu sameeyo maamulka iminka talada haya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo.

Waxa ay xilligaan muujinayaan xisbiyadaan walaac xoogan oo ku aadan in dib looga dhacdo waqtigii doorashada, iyo sidoo kale muddo kale loo qabto doorashada.

Mas’uuliyiinta xisbiga Wadani oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wal walka ugu daran uu yahay diiwaangelinta oo illaa iyo iminka aan lasoo dhameystirin, cadeynta meesha taallana ay tahay taasi oo muujinaysa dib u dhaca soo socda.

Xukuumadda ayeey sheegeen in ay doonayso Sanad ama Laba Sano ay doonayso in ay ku darsadaan, taasina aanay aqbali doonin ka xisbiyo ahaan.

Bisha Lixaad ee Sanadkaan ayeey ku beegan tahay waqtiga loogu tala galay doorashada, hase ahaatee waxaa adag rajada ah in xilligaasi doorasho ay dhacdo.

Halkaan Hoose ka dhageyso: