Maamulka deegaanka Ceel-garas ee gobalka Gal-gaduud ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto deegaankaasi.
Gudoomiyaha deegaankaasi Xasan Daahir Sheekh Ciise, ayaa sheegay in dad badan oo ku dhaqan Ceel-garas ay u baahanyihiin gurmad wax walbo isugu jira.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in dadka marka laga soo tago gurmadka dhanka raashiinka iyo sidoo kale kaalmooyinka bini aadanimo loo baahan yahay dhismaha goobo waxbarasho iyo xarumaha caafimaadka.
“In la helo waxbarashadii, caafimaad dhamaan wey baaba’sanaayeen kahor inta aanay dowladda tagin, Nabad diidka ayaa meelo dad lagu tababaro ka dhigtay xarumihii danta guud, waxaan ku tala jirnay in si buuxdo loo helo caafimaadkii iyo waxbarashadii laakiinse anaga nooma suurta gelin, waxaan ku guuleysan in ay soo laabato noloshii Koowaad oo biyaha ah iyo sidoo kale Nabad galyadii, nimanka Nabad diidka ah gabalkooda ayaa dhacay, rajadooda ma soo nooleyn karto howlgalkii India Ocean ee joogsaday, inta harsan dhawaan ayaan dhameystiraynaa” ayuu yiri Gudoomiya Xasan Daahir.
Deegaanka Ceel-garas ee gobalka Gal-gaduud ayaa ka mid ah deegaanadii Al-shabaab dagaalka looga qabsaday ka dib markii dowladda Federaalka ay si ballaaran u bilawday howlgalka Badweynta Hindiya.
Halkaan Hoose ka dhageys: