Qaraxyada kadhacay hotel-ka Central ee magaalada Mogadishu halkaa oo ay kusugnaayeen wasiiro xildhibaano iyo saraakiil katirsan dowlada Somalia islamarkaana lagu dilay 25 ruux ayey sirdoonka Somalia sheegeen in ay fuliyeen laba muwaadin oo heesata dhalashada wadanka Netherlands,sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP.
Sirdoonka Somalia ayaa aamisan labada ruux ee weerarka Ismiidaaminta fuliyay ee ahaayeen nin iyo haweeneey Somali-Dutch-ah kuwaa oo weerarka kafuliyay Hotel-ka udhow madaxtooyada Somalia maalintii jimcaha ahayd.
Ilo kudhow hay’ada sirdoonka Somalia ee (NISA) ayaa kusheegay ninka weerarka qeybta ka ahaa inuu ahaa Ismail muse ,kaa oo qarxiyay baabuur kujiray gudaha hotelka,Halka Lula Ahmed Dahir iyaduna ay badhanka utaabatay waxyaabaha qarxa ee uxirnaa iyadoo kusugneed al-baabka hore masjid kudhaxyaala Hotelka.
Haweeneedan “waxa ay qeyb ahaan maalintii kashaqeyneesay hotel-ka mudo 4 biloodd ah” sidaa waxaa lagu yiri warbixin dhanka sirdoonka ah oo ay heshay wakaalada wararka ee AFP.
“Xiriirka udhaxeeya ninka isagana latuhunsanyahay inuu weerarka qaaday iyo haweeneeda Luul ah , wali macada balse waxaa loo maleynayaa in uu aad ugu dhawaa Mr. Ismail Luuley hadii uusanba ahayn saygeeda” ayaa lagu sii yiri warka AFP ay daabacday.
Weerarkii hotel Central waxaa sheegtay Xarakada Al-shabab oo tilmaamay halkaasi in ay kudileen saraakiil dowlada Somalia katirsan oo gaaraya ilaa 50 sida uu sheegay Afhayeenka dhanka howlgalada Al-shabab Sh. Abdulaziz abu muscab.
Ilaa 25 ruux ayaa la’og yahay in ay weerarkaasi kudhinteen oo ay kujiraan 2 xildhibaan iyo kuxigeenkii duqii Muqdisho halka daraaziin kalana ay kudhaawacmeen oo uu kujiro Ra’iisul wasaare kuxigeenka Somalia Mohamed omar Arte oo haatan dhaawaciisa halka dibadiisa looqaaday.