(Sawirro) Gaas oo ka qeyb galay Munaasibad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee Horumarinta Afka iyo Dhaqanka.

0

 Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21-2-2015 ka qeyb galay munaasibad balaaran oo lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee Horumarinta Afka iyo Dhaqanka Aduunka sidookalana waxaa uu dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee xarunteeda Puntland.

Ugu Horayn Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo xarun weyn looga dhisayo magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, waxana ay noqonaysaa xaruntaas mid lagu horumariyo Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

” Af-Soomaaligu waxaa uu u baahanyahay in uu la socdo horumarinta aqoonta, horumarinta ilbaxnimada iyo xadaarada mar walba kordhaysa ee aduunka ku kordhaysa ayaa larabaa in Af-keenu uu la jaanqaado”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Intaas kadib ayaa Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Hoolka Jaamacada Bariga Afrika kaga qeyb galay Xaflad balaaran oo lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee Horumarinta Afka iyo Dhaqanka Aduunka.

Munaasibadaas ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland, Waxgarad, Isimo, Dhalinyaro , Haween ku labisanaa dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliya iyo sidookale dhar ka tolan Calanka Puntland iyo kan Soomaaliya.

” Aniga rajadaydu wey fiican tahay, waxaan aaminsahanay dhaqankeeni, Hiddaheeni iyo weliba Af-soomaaligeenu imbadan oo diyaar u ah inay diifaacaan inay jiraan, luuuqad saddex kuno oo sano soo jirtay ilaa hadana jirta waxay ila tahay inaysan sahal ku dhamaanayn” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Luuqada Af-soomaaliga ahi waa luuqada gaarka ah amase luuqada dawliga ah ee dalkeena Soomaaliya, in badan oo aduunkana waa lagaga hadlaa sababtoo ah wadamada aanu dariska nahay, tusaale ahaan Dawladda Jabuuti waxay u tahay luuqada Qaranka” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Bahda Warbaahinta, Madax dhaqameedka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay si wadajir ah iyana doorkooda uga qaatan horumarinta Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

” Qofku markuu luuqadiisa si fiican u yaqaano oo uu barto ayuu luuqadaha kalana ku fiicnaanayaa hadii Alle idmo, dadkeena dibada jirana waxaan ku baraarujinaynaa inay ilamahooda Af-soomaaliga baraan” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email : plpresidecymedia@gmail.com

IMG_4108-450x300 IMG_4113-450x300 IMG_4115-450x300 IMG_4117-450x300 IMG_4119-450x300 IMG_4123-450x300 IMG_4129-450x300 IMG_4159-450x300 IMG_4164-450x300 IMG_4172-450x300 IMG_4182-450x300 IMG_4183-450x300 IMG_4186-450x300 IMG_4204-450x300 IMG_4215-450x300 IMG_4226-450x300 IMG_4341-450x300 IMG_4344-450x300 IMG_4360-450x300 IMG_4369-450x300 IMG_4392-450x300 IMG_4395-450x300 IMG_4425-450x300 IMG_4442-450x300 IMG_4444-450x300 IMG_4446-450x300 IMG_4485-450x300 IMG_4530-450x300 IMG_4610-450x300