Warar ay heshay Shabakadda Wararka Kulmiye ayaa sheegaya in Qaraxyadii Shalay ka dhacay Hottelka Centeral ee Magaalada Muqdisho ay Fulisay Gabar lagu Magacaabo Luul oo kamid aheyd Shaqaalaha Hottelka,gaar ahaan Qeybta Reception-ka ama soo dhaweynta Dadka.
Luul ayaa la sheegay in ay ka soo jeedo Gobolada Waqooyi ee Dalkeena Soomaaliya,iyadoona la sheegay in Gaariga ku dhax Qarxay Xarunta ay Luul wadatay oo Mudo Shan Cisho ah la barayay Gaariga,waxaana Dad Goobjoog ah ay noo Xaqiijiyeen in Habeyn hore ay Hottelka ku soo Xareysay gaariga.
Haweeneydaan ayaa la tilmamay in ay ka timid Dalka Holland,iyadoona Mudo lagu qiyaasay 6-bilood ka shaqeyneysay Hottelka Centeral ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa Xusid mudan in Dad badan oo Soomaali ah islamarkaana ka yimid Qurbaha ay isku Qarxiyeen Soomaaliya,waxaana jirta in sidoo kale Mas’uuliyiin badan oo Qurbaha ka yimid ay Dowladda Soomaaliya Xilal ka hayaan.
Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in Qaraxyadii Shalay ka dhacay Hottelka Centeral loo xiray ilaa 12 Ruux oo iskugu jira Ilaalada Hottelka iyo qaar kamid ah Shaqaalaha.
Isha Ku Hay AGGM Oo La Soco wixii ku soo kordha: