Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Ku Xigenka Cabdixakiin Cabdulahi Xaaji Cumar Camey Oo Shir Jara”id Ku Qabtay magaaladda Garowe Ee Caasimadda Dowladda Puntland Ayaa Cambaareeyay Weerarkii maanta Lagu Qaaday Hotelka Centaral Ee Magaaladda Muqdisho.
Dr. Gaas Ayaa Ku Tilmaamay In All-shabaab Ay Yihiin Cadowga Umadda SOmaliyeed islamarkaanna Ay Dabar Goynayaan Hormarka Umadda Somaliyeed Sida uu Sheegay.
Ugu Danebeynna Madaxweyne Ku Xigenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Camey Ayaa Madaxweynaha , Reysul wasaaraha, iyo Dhamaan umadda Somaliyeedba Oga Tacsiyeeyay Dadka Ku DHintay Weerarkii maanta Ka Dhacay Muqdisho, Wuxuunna Xusay iney Falkaan Ka Danbeyeen Kooxda Dhiibyacabka Ah Ee All-shabaab Sida Uu Xusay.
Maanta Ayeey Aheyd Markii Qarax Sababay Dhimashadda Dad Kabadan 10-Ruux iyo Dhaawaca Dad Ku Dhow 30-Qof Uu ka Dhacay Mid Kamid Ah Hoteladda Magaaladda Muqdisho.
Hoos ka dhageyso codkiisa: