(Dhageyso) Wasaarada Warfaafinta oo shaacisay inuu nabad qabo Ra'isal wasaare ku xigeenka Dalka.

0

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Hidaha iyo Dalxiiska ee xukuumadda Maxamed Cabdi Xayir Maareeyee oo ka hadlaayay qaraxii Maanta ayaa sheegay inuu nabad qabo Ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal wasaare ku xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte. 

waxa uu sheegay in Ku simaha Ra’isal wasaaraha ahna Ra’isal wasaare ku xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte uu iminka ku sugan yahay Gudaha Hotelka u qaraxa ka dhacay si Masuuliyiinta Dowlada ee waxyeelada ka so gaartay Qaraxa iyo shacabkaba ula qeybsado murugada.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Saraakiisha Amniga ay wadaan baaritaano la xiriira qaabka uu u dhacay Qaraxa iyo cida ka dambeysay qaraxaasi isla markaana la shaacin doono tirade rasmiga ah ee ku dhimatay qaraxaasi. 

Dhanka kale Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta Hidaha iyo Dalxiiska ee xukuumadda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Cambaareeyay Qaraxii Maanta ka dhacay Hotelka Central, waxa una xusay in Al-Shabaab ay ka so horjeeda nabada iyo hormarka dalka ka soconaya, isla markaan ay Dowlada Soomaaliya ku dadaaleyso Cirib tirka Al-Shabaab.

Qaraxa Maanta ka dhacay Masaajid ku yaalla Hotelka Central ee Magaalada Muqdisho ayaa warar kala duwan ka soo baxayaa oo la xiriira dhimashada iyo dhaawaca Masuuliyinta ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso: