Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumada Soomaaliya cali jaamac Jangeli oo la hadlay Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay inuu Caafimaad qabo isla markaana uu soo gaaray dhaawac fudud ka so gaaray qaraxii maanta ka dhacay Hotelka Central ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid wanaagsan isla markaana Shacabka Soomaaliyeed uu u sheegayo inuu Caafimaad qabo oo u soo gaaray dhaawac fudud.
Waxa uu intaasi ku daray in iminka u ku jiro mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan ku hoos yimaada ama ay Dowlada Soomaaliya Maamusho xaaladisana ay aad u wanaagsan tahay.
Qaraxa Maanta ka dhacay Masaajid ku yaalla Hotelka Central ee Magaalada Muqdisho ayaa warar kala duwan ka soo baxayaa oo la xiriira dhimashada iyo dhaawaca Masuuliyinta ka tirsan Dowlada Soomaaliya ka soo gaaray qaraxaasi.
Hoos ka dhageyso Codkiisa: