(Dhageyso) Dhaq Dhaqaaqa Laga Dareemayo muqdisho Xilli Uu Ku Soo Wajahanyahay Madaxweyne Geelle.

0

Waxaa laga dareemayaa Magaalada Caasimada ee Muqdisho diyaar garow lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele wadada dheer ee xiriirsa Garoonka Aadan Cade ilaa iyo Isgooyska Xaawa Taako ayaa la suray Calanka Jamhuuriyada Jabuuti iyo kan Somalia taasi oo qeyb ka ah soo dhaweynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Waxaana maanta la filayaa in uu Madaxweynaha soo gaaro Muqdisho sidoo kalana waxaa la filayaa in ay soo gaaraan wufuud ka socota dowlad deganka Somalida Ethiopia iyo dowlada Kenya.

Imaatinka Madaxda ayaa la filayaa in ay qeyb ka noqoto furitaanka Akeedimiye Gobaleedka Fanka Somalia iyo Maalinta Xuska Afafka Caalmka oo maalinta beri ah ku began.

Hoos Ka Dhageyso:

(D