Deg Deg:- Qarax La La Eegtay Huteel Ku yaalla Muqdisho.

0

QARAX

Weerar Ismiidaamin ah ayaa goor-dhow lala eegtay Hotel Central oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee Muqdisho, iyadoo uuro madow laga arkayo goobta uu qaraxu ka dhacay.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha uu geystay weerarkan ayaa haddana la sheegayaa in lala bartilmaameedsaday hoteelkan oo ka mid ah kuwa ay inta badan tagaan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya qaarkood.

Illaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan oo ahaa mid inta badan xaafadaha Muqdisho laga maqlay, waxaasna qaraxaan kaddib dhaacay rasaas xooggan oo laba dhinac u dhexeysay.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan, iyadoo sidoo kale uu weerarku saameyn ku yeeshay hoteelka Nasa-hablood 2 oo dhabarka ku haya hoteelka weerarka lala beegsaday.

Wixii warar ah ee kusoo kordha isha Ku Hay All-Galgaduud Media.