(Dhageyso) Ciidamada dowlada oo heegan uga jira weeraro kaga yimaada dhanka Al Shabaab.

0

48 saac ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa ka jiray baaritaano isdaba joog ah oo si guud iyo si gaar ah loogu sameynayay gaadiidka iyo Shacabka isticmaalaya wadooyinka qaar ee Muqdisho.

Wadada dheer ee Maka Al Mukarama ayaa iyada ah wadada sida aadka ah loo atkeynayo Amaankeeda taa soo inta badan Madaxda dowlada ay isticmaasho.

Shirkii Golaha Wasiirada ayaa si gaar ah loogu lafa guray sugida Amniga Somalia iyo foojignaanta la galinayo ciidanka kadib markii ay soo baxday cabsi iyo qataro ka imaaneysa dhanka Al Shabaab oo la amnisan yahay in ay dhibaato ka geysan karaan magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ay dowlada maamusho.

Baaritaanada soconaya ayaa Afayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdi weli ku micneeyay in yasan dhibaato u arkin Shacabka isagoona sheegay in foojignaan la galiyay Ciidanka dowlada.

Mudooyinkaan waxaa jiray howlgalo is daba joog ah oo laga sameynayo maglaada Muqdisho taas oo looga hor tagayo weeraro ka yimaada Al Shabaab.

Halkaan Hoose Ka dhageyso Cabdullahi Maxamed Cali Suldaan:-