Deg Deg:- Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle oo ku wajahan Magaalada Muqdisho.

0

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho ee Caasimaa Soomaaliya, iyadoo diyaar garow ku aadan soo dhoweyntooda ay ka socoto magaalada.

Calanka dowladda Jabuuti ayaa lagu xardhay wadada Madaxtooyada ilaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay, ciidamo fara badan ayaa la dhigay wadada Maka Al-Mukarama ilaa garoonka diyaaradaha.

Wafdiga Madaxweynaha Jabuuti ayaa maalinta berri kaga qeyb galaya Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo maalinta afka hooyo oo ku beegan 21-Febraayo.

Munaasabadan oo ay dowladda Soomaaliya ay si weyn u diyaarisay qaban qaabadeeda ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan wafuud ka socota dhulalka Soomaalida degto, sida wafdi ka socda ismaamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, wafuud ka socota Kenya iyo kuwo kale.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sanadkii 2011 yimid magaalada Muqdisho, xilligaasoo ay jirtay abaaro iyo macluul aad u daran, markii boqollaal qoysas ay gobolada dalka uga soo barakaceen abaaro.

Si kastaba ha ahaatee Guddiga qaban qaabada xuska maalinta afka hooyo ee 21-Febraayo ayaa maalamahan ku howlanaa diyaarinta munaasabada iyo hab maamuuskeeda.