(Dhageyso) Maamulka gobolka Hiiraan oo soo dhaweeyey ciidamo dheeraad ah oo la geeyay Gobolkaasi.

0

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa sheegay iney aad u soo dhaweynayaa soo kordhinta ciidammada jabuuti ee la geeyay Gobolka Hiiraan.isla markaana ay wax badan ka bedeli doonaan nabad galyada Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne. 

Waxa u sheegay in Ciidamada Jabuuti ay marka hore loogu baahan yahay iney gacan ka siiyaan Ciidamada Dowlada Somaaliya sidii la isugu furi lahaa Wadoyinka kala xeran ee Gobolkaasi oo uu sheegay Gudoomiyaha in aan gargaar la gaarsin Karin Shacabka dhibaateysan.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa u mahad celiyay Madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee mar welibo garab taagan Dowlada Soomaaliya iyo shacabkeeda, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay abaal weyn u heyso Dowlada Jabuuti.

Gobokla Hiiraan waxaa ku sugan ciidamo ka socda dalalka Jabuuti, itoobiya iyo ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwaas oo iska kaashanaya in la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidii loogu saari lahaa gobolkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka: