(Dhageyso) Taliska Taraafikada oo bilaabay baaritaano ku wajahan gaadiidka dadweynaha.

0

Taliyaha Ciidamada Ilaalada Wadooyinka Cali Xirsi Barre “Cali Gaab” Wuxuu sheegay in ay bilaabeen howlgal ka dhan ah gaadiidka qaada dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho 

Wuxuu sheegay in ujeedka howlgalkan uu yahay mid lagu xaqiijinayo sugidda amniga magaalada isagoo intaas raaciyay in gaadiidka qaada dadweynaha ee ka shaqeeya muqdisho ay qeyb ka yihiin amni xumida xilliyada qaar ka dhacda magaalada.


Cali Xirsi wuxuu tilmaamay in ay gacanta ku dhigeen gaadiid gaaraya ilaa 70- gaai hayeeshee 5- ka mid ah oo kaliya la helay dadkii lahaa hayeeshee lagu raad joogo .

Inta badan gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada dalka ayuu tilmaamay in aaney heysan buugga milkiyada gaariga taasina ay qeyb ka qaadan karto  amni xumida Caasimada .

Gaadiidleyda BL-ka ayuu ugu baaqay inay dhameystiraan shuruudaha kexeynta gawaarida isagoo ka dalbaday inay sameystaan hadii aaney heysan buuga milkiyada gaariga, Leesinka Gaariga, iyo waliba inay hubiyan Bisxinta Canshuurta Gaariga .

Hadalka wuxuu imaanaya iyadoo inta badan isgoysyada caasimada Muqdisho la dhigay ciidamo sugaya amaanka kuwaas oo baaraya gawaarida yar yar .

Hoos ka dhageyso codka: