Taliyaha guud ee ciidamada Jabuuti, Jen. Zakariye Sheekh Ibraahim oo ay wehlinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti ayaa maanta soo gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Jen. Zakariye Sheekh iyo wafdigiisa ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya ayuu taliyuhu ka qaatay salaam-sharaf, iyadoo intaas kaddib wafdiga la geeyay xarunta ay ku leedahay AMISOM duleedka magaalada Baladweyne.
Taliyaha ciidamada Jabuuti ayaa ka warbixiyay safarka uu ku yimid degmada Baladweyne, isagoo sheegay inuu u yimid sidii uu u kormeeri lahaa ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Midowga Afrika.
Sidoo kale, taliyaha ayaa xusay in qaybtii labaad ee ciidamada waddanka Jabuuti oo qayb ka noqon aya howlgalka AMISOM maalmaha nagu soo aaddan imaan doonaan gobolka Hiiraan, si ay u xoojiyaan howlgalka ay u joogaan Somalia.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in taliyaha ciidamada Jabuuti uu booqasho ku yimaado magaalada Baladweyne, si uu u arko horumarrada xilliyadii la soo dhaafay la sameeyay.
Si kastaba ha ahaatee, taliyaha ciidamada dalka Jabuuti, Jen. Zakariye Sheekh uu ku yimid Baldweyne ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaaladaas soo gaareen dhawaan qalab milateri iyo ciidammo kooban oo ka socda Jabuuti.
Hoos ka daawo sawiradda: