DAAWO : Madaxweyne Ku Xigeenka Maraykanka Oo Soomaalida Ku Jeesjeesay.

0

Allgalgaduud Media – Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Joe Biden ayaa hadallo uu ka sheegay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Marykanka lagu sheegay inay yihiin kuwi cunsuri ah oo salka ku haya yasmo iyo jeesjees. Mar uu Joe Biden soo hadal qaaday Soomaalida-Mareykanka ayuu sheegay Talaadadii shalay in gobolka uu ku nool yahay ee Delaware ay Soomaali badan ku nooshahay. Wuxuuna sheegay inay qaar badan oo Soomaalidaas ka mida ay taxsiileyaal ka yihiin Wilmington.

“Waxaan ku dari lahaa haddii aad tagto saldhigga Tareenada waxaad arki lahayd inaan xiriir fiican la leeyahay” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo intaas ku daray in tiro aad u qaabdarran oo taksiileyaal ahi halkaasi joogaan, ayna saaxiibo yihiin; isagoo qosol yar ku laraya ayuuna sheegay inuu dhabta ka hadlayo.

Warkan uu Soomaalida ka sheegay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Joe Biden ayaa yimid mar uu war kooban saxaafadda ku siinayay Aqalka cad kuna saabsan dagaalka lagula jiro argagixisada. Waxaana si weyn loo anbaareeyay ereyadiisa oo cunsuriyad lagu tilmaamay.

Hore ayuu Joe Biden haddalo jeesjees u eg uga sheegay sanadii 2006 Hindia-Mareykanka, sida ay qortay huffingtonpost. waxayna intaas raacisay in xiriir ay la sameysay xafiiska madaxweyne ku xigeenka aanay wax jawaab ah kasoo bixin.

Allgalgaduud Media

Isha Ku Haay Had iyo Jeer