Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, ayaa saaka howlgalo culus ka sameeyay wadooyinka waaa weyn Magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada dheer ee loo yaqaan Maka Al-Mukarama, Isgooska KM 4, wadada Dabka, Shaqaalaha, ilaa Sayidka.
Ciidan ka tirsan Hay’adda NISA ee Dowlada Soomaaliya oo wajiyada ay u duuban yihiin, ayaa baarayay gaadiidka iyo dadka saaran ka dibna waxa ay baaritaano kula dhaqaaqayeen gaariga gudihiisa.
Ujeedada howlgalka ayaa lagu sheegay xaqiijinnta ammaanka caasimada ee Magaalada Muqdisho, oo labadii ee Maalin e la soo dhaafay lagu dilay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya.
Afahayeenka Hay’adaha Amniga ee Dowlada Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo howlgalada ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sharaxaad ka bixiyay howlgalada ay Ciidamada amaanka ka sameeyeen Wadooyinka iyo Xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Hoos ka dhageyso codka: