Sawirro:Wasiirka Difaaca C/qaadir Sheekh Cali Diini oo xilkii kala wareegay Wasiirkii hore Maxamed Sh. Xasan Xaamud.

0

Muqdisho, Feb 18, 2015…Wasiirka Cusub ee Difaaca Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini,  ayaa maanta xilkii kala wareegay Wasiirkii hore ee Difaaca Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday Wasaaradda Gaashaandhigga, taasi oo ay kasoo qeyb galeen Taliska guud ee Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka socotay dalalka dhanka difaaca ka taageera dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliya, S/G/ Daahir Aaden Cilmi oo Munaasabadda ka hadlay ayaa xusay wasiirkii hore difaaca mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud wax badan in uu qabtay mudadii uu xafiiska joogay, isagoo uga mahadceliyey shaqadii ay soo wada qabteen, wuxuuna geesta kale soo dhaweeyay Wasiirka cusub ee Difaaca Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Wasiirkii hore ee Difaaca Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in uu  qalbi furan kusoo dhawaynayo wasiirka cusub Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, wuxuna ballan ku qaaday in uusan  waxba ka hagran doonin wasiirka cusub si howshu horey ugu socoto, sidoo kale wuxuu mahad celin u jeediyay laamaha kala duwan ee Taliska XDS.

Wasiirka cusub ee Difaaca Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo munaasabadda ka hadlay ayaa mahadcelin kadib, hoosta ka xariiqay siyaasaddiisa  guud ee ku wajahan Wasaaradda in ay ugu horeyso dib u dhiska ciidan qaran oo isku dheeli tiran.

“Waxqabadkaasi aad nooga waranteen dalkiina ayaad u shaqayseen ee Ilaahay ha idinka abaal mariyo, anaguna waxaanu ilaahay ka baryaynaa inaanu wax ku darno mooyaane’e inaanay halkan ay maanta joogto ka soo siibanin” ayuu yiri Wasiir Diini oo dhinaca kale  tilmaamay in muddada ay xafiiska hayo  hufnaan ku maamuli doonaan.

“Wasaaradda Gaashaandhiga waxa laga dugsanayaa waa difaacii wadanka, dad badan oo cadow ah oo ugu horeeyaan kooxaha Argagixisadu ayaa dalkeena dhibaato ka wada waa in aanu wadajir isku kaashanaa kana hortagnaa dhibka ay wadaan” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini

 

—DHAMMAAD—

IMG_0006

IMG_0011

IMG_0008

IMG_0017

IMG_0029 IMG_0041 IMG_0051 IMG_0062 IMG_0078 IMG_0107 IMG_0112 IMG_0121 IMG_0124 IMG_0145 IMG_0152 IMG_0159 IMG_0160 IMG_0164 IMG_0178 IMG_0192 IMG_0198 IMG_0230 IMG_0234 IMG_0243 IMG_0270 IMG_0276 IMG_0282 IMG_0289