(Dhageyso) Cali Seeko “Shacabka Hala Shaqeeyaan Ciidamada Amniga Sugaaya”

0

Maamulka gobakla Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga ee holwgalka ka wada magaalada.

Afhayeenka maamulkaasi Cali Seeko ayaa sheegay in howlgalka maanta ka socda magaalada Muqdisho uu yahay mid wax badan looga sii qabanayo amniga guud ee magaalada.

Shacabka ayuu sheegay in iyagu ay yihiin waxa loo shaqeynayo, loogana baahan yahay in ciidamada ay caawiyaan si looga hortago cid walba oo uu tilmaamay in ay ku haminayaan dhibaato in magaalada ay ka sameyso.

“Ciidamadaan waa kuwo dhiigooda iyo naftooda idiin huraya shacabka Muqdisho ku nool hadaad tihiin, hala soo dhaweeyo, halala shaqeeyo, naxariis, wanaag iyo jilcsanaan haloo muujiyo, waa ilmihiina oo idinka idiin shaqeynaya” ayuu yiri Afhayeen Cali Seeko.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay howlgal ka wadaan magaalada Muqdisho, iyadoo Isgoys walba oo magaalada ka mid ah lagu arkayo ciidamo howlgal wada.

Halkaan Hoose ka dhageyso: