Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh ayaa xalay gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kadib markii uu saacado kooban ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoo ka soo laabtay dalka Jarmalka oo arrimo caafimaad uu u joogay muddo shan beri ah.
Socdaalka madaxweynaha ayaa warbaabinta dowladda ku sheegtay inuu kulamo kula qaadan doono dalka Itoobiya wufuud ka socota Beesha caalamka. Si kastaba xaqiiqda ayaa ah in ujeedada socdaalka madaxweynaha ee dalka Itoobiya uu yahay ka qeybgalka xuska sanad guurada 40-aad ee Jabahdda Tigree (Tigray People’s Liberation Front -TPLF).
Xuskaasi oo ka dhacaya magaalada Mekelle ayaa waxaa kaloo ka qeybgalaa madax ka kala socota dalalka Ruwanda, Uganda, iyo Jabuuti, waxaana magaaladaasi ku sugan Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.
Safarka uu madaxweynaha ugu anbabaxay dalka Itoobiya ayaa la xaqiijiyay inuu ku qornaa Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali, laakiin CC ayaa weli ku maqan yahay dalka Canada halkaasoo uu degdeg ugu socdaalay markii ay hooyadii ku geeriyootay.
Ra’iisal wasaaraha ayaa soo jeediyay inuu xafladaasi uu ka qeyb galo ku xigeenkiisa Maxamed Cumar Carte, waxaana shalay galab Muqdisho kasoo degtay diyaar gaar ah oo loo soo kireeyay Ra’iisal wasaare ku xigeenka si uu shirkaasi uga qeybgalo, lakiin warar xogogaal ah ayaa sheegaya in saacadii ugu danbeyay la bedelay oo safarkaasi oo madaxweynaha uu isku qoray, isagoo si lama filaan ah ugu anbabaxay Itoobiya si uu xafladaasi uga qeybgalo.
Isku soo wada duuboo Lama yaqaan sababta ku qasabtay Xasan Sheekh inuu socdaal noocaas ah ka xoogo qof kale, hase yeeshee waxaa loo arkaa calaamad kale oo muujineysa sida siyaaisiiynta Soomaalida ugu lugo xiran yihiin dowladda Ethiopia.