Iyadoo ay jireen dhibaatooyin ay dadka rakaabka ah kala kulmeen burcad wadada u gasha ayaa maamulka Degmada Leego wuxuu sheegay inay ku guuleysteen in dadkaasi ay wax ka qabtaan.
Abuukar Cabdulaahi Isaaq, Guddoomiyaha Deegaanka Leego ayaa sheegay inay xaqiijiyeen ammaanka waddooyinka ka baxa iyo kuwa gala degmadaasi oo ay ku safri karaan dadka rakaabka ah.
Guddoomiyaha ayaa xusay in baaritaano joogto ah ciidamada ammaanka ay ka sameeyaan wadada, islamarkaana ay kusoo qabteen dad uu sheegay inay dhac u geysan jireen dadka deegaanka ku safaraya.
Rag ku labisan dareeska ciidanka Dowladda lagu yaqaano ayaa dhac u geysan jiray gaadiidka ku safra wadada xiriirisa Muqdisho iyo Magaalada Baydhabo.
Hoos ka dhageyso: