(Dhageyso) Dad badan oo loo soo qabtay dilkii Ganacsade Xaaji Quuroow loo geystay.

0

Guddoomiyaha Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyay howlgalo dad badan lagu soo qabtay oo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Beledweyne.

Maxamed Cismaan Cabdi Qalaafow, Guddoomiyaha magaalada Beledweyne ayaa sheegay inay qabteen in ka badan 50 ruux oo ku sugnaa xaafada Howlwadaag halkaasi oo shalay lagu dilay ganacsade si weyn looga yaqaanay magaalada.
Wuxuu sheegay in dadka lagu soo qabtay howlgalka la dhigay saldhiga magaalada ayna socdaan in dadkaasi lasii kala saaro, oo dadkii dambi lagu waayaa lasii daayo.
Shalay ayeey aheyd markii Magaalada Beladweyne lagu dilay ganacsade si weyn looga yaqaanay Magaalada Beladweyne oo ragii dilay ay ka baxsadeen halkaasi.
Hoos ka dhageyso: