Haweeney ayaa gaari nooceedu ahaa BMW waxa uu kula dhacay dekeda Waitemata ee Auckland wadanka New Zealand 3dii galabnimo ee Talaadada.
Nasiib wanaag dad halkaa ka agdhowaa ayaa u yeeray Boolis waxaana halkaa si degdeg ah u yimid gaari Boolis ah oo labo askari oo kaliya ay saarnaayeen.
Hase yeeshee labadii askari ayaa si degdeg ah gargaar degdeg ah u fidisay waxaana mid ka mid ah uu isku dayay in uu furo albaabka dambe ee gaariga hase yeeshee gaariga ayaa ku sii socday badda dhexdeeda.
Haweeneydii gaariga wadatay ayaa si dhaqso ah ugu soo booday dhinaca dambe ee gaariga iyadoo daaqadaha gaariga ay u xirnaayeen.
Mid ka mid ah labadii askari ayaa soo qaatay dhagax waxana uu ku dhuftay miraayadii dambe ee gaariga BMWga ahaa, waxaana gabadhii wadatay gaariga laga soo bixiyay iyadoo xaalkeedu uu yahay meel halis ah.
Labada askari ayaa celiyay gaariga iyadoo askarigii kalana uu jebiyay miraayada dambe kana soo badbaadiyay haweeneydii wadatay gaariga noociisu ahaa BMW. Intaa ugama harinee ciidamadii waxa ay ka soo saareen gaarigii biyihii uu ku dhacay.