(Dhageyso) Dowladda Germany oo Soomaaliya Taageereysa.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo Dalka dib ugu soo laabtay ayaa magaalada Baarlin kula soo kulmay Madax ka tirsan Dowladda Germany,waxaana ay kawada hadleen Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin  Qaxootiga, dib u habeynta Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Dhalinyarada in Shaqo loo Abuuro.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Germany Maxamuud Maxamed Tifow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Arrimaha aaan kor ku soo sheegnay Dowladda Soomaaliya iyo Jarmalka ay isla meel dhigeen.

Safiirka ayaa sheegay in Dowladda Jarmalka Muhiimada Koowaad ay siin doonto Tayeeynta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Safiirka: