Ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ayaa magaalada Baydhabo ku xusay aasaaskii ciidanka Qaranka Itoobiya.
Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa la aasaasay sanadkii 1991 markii ay TPLF xukunka ka tuurtay Mengistu Xayle maryam.
Waxaa ka qeybgalay Xaflada Saraakiil sar sare oo ka yimid Magaalada Addis Ababa, si ay Khudbado guubaabin ah halkaasi uga jeediyaan.
Sidoo kale, waxaa marti ku ahaa Xubno ka kala socday DF, wakiilo ka socday ciidamada kale ee AMISOM iyo kuwa Maamulka Seddexda gobol.
Waxa ay soo bandhigeen gaada ka cayaar, waxaana ay halkaasi salaan ku siiyeen Saraakiishii ugu sareysay iyo kuwii martida u ahaa.
Dhanka kale, Itoobiya ayaa waxaa Baydhabo ka jooga inkabadan 700 oo ciidamo ah kuwaasi oo qaab nabad ilaalin u jooga halkaa.